4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2023
Aqoonyahanka Somaliland oo soo saaray baaq ku wajahan colaada Laascaanood
 

Sabti, February, 25, 2023 (HOL) - 55 qof oo ka kooban aqoonyahanka Somaliland ayaa ku baaqay in xaalada Laascaanood jid nabadeed lagu xaliyo oo dagaalka la joojiyo.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in siyaasad xumo soo taxnayd oo ay xukuumadu ku kacday ay dagaalka iyo colaada halka uu maanta marayo gaadhsiisay waxayna ku baaqeen in ciidamada la kala qaado si xabad joojintu u hirgasho.

Aqoonyahanku waxa ay sheegeen in dhiiga daadanayaa uu yahay dhiig sokeeye oo ay sababtay talo xumo, waxayna ku baaqeen in xabadu anay xal ahayn, iyaga oo dhinacyada ugu baaqay in ay joojiyaan.

Hoos ka akhriso baaqa aqoonyahanka oo dhamaystiran:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]