4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2023
Ciidamada SSC oo dagaal ku qabsaday saldhig ciidan oo Somaliland ku lahayd gudaha Laascaanood
 

Sabti, February, 25, 2023 (HOL) - Dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa haatan ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo lagusoo warramayo in saldhigyo ciidan ay qabsadeen SSC.

Dagaalka ayaa ka dhacay xerada guul wadaha oo saldhig u ahayd ciidamo daacad u ah arkaal lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo katirsanaa saraakiisha ciidamada Somaliland.

Ciidanka SSC ayaa xeradan ku qabsaday gaadiid dagaal oo ay ku jiraan Taangiyo, gaadiid gaashaaman iyo hub kale, sida ay sheegeen saraakiil u hadlay SSC.

Sarkaalka laga qabsaday xeradan ayaa dhawaan la sheegay inuu kasoo goostay Somaliland. Hase ahaatee maalmo kadib ayaa la ogaaday inuu diiday inuu SSC ku wareejiyo hubkiisa iyo ciidankiisa.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood.

Dagaalka maanta socda ayaa ah midkii ugu cuslaa ee waayadan dambe ka dhaca magaalada Laascaanood.

Warar kale waxay sheegayaan in Somaliland ciidamadeeda ku sugnaa Tukarraq ay kasoo kaxaysay, iyadoo geysay jiidda dagaalka Laascaanood.