4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay dagaal saaka ka qarxay Laascaanood
 

Sabti, February, 25, 2023 (HOL) -  Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka weerar lagu soo qaaday ciidamada millateriga ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxo ay ku tilmaantay nabadiid iyo argagixiso ay weerar kusoo qaadeen ciidamada millateriga.

"Kooxaha nabad diidka iyo argagixisadii is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan".

Qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in ciidamada millaterigu ay ku suganyihiin fadhiisimadooda isla markaana kaliya is difaacayaan, iyaga oo ixtiraamaya xabad joojintii ay xukuumadu ku dhawaaqday.

"Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday, wuxuu ku sugan yahay difaacna kaga jiraan fadhiisimadiisa, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada".

Kooxaha dagaalka kula jira ciidamada Somaliland ee Laascaanood, ayaa muuqaal ay shalay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay in ay weerar ku qaadayaan guriga Taliye Mahad Cambaashe oo hogaaminaya ciidamada Somaliland ee gobolka Sool.

Wali dhinaca kale kama hadal dagaalka iyo sida uu ku bilowday, badana dhinacyada ayuu midba midka kale ku eedeeyaa in uu dagaalka bilaabay marka uu dagaal dhaco, mana jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara cida dagaalka qaaday marka laga reebo dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalka oo socday mudo 2 todobbaad ka badan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah, sidookale kumanaan qof ayaa u qaxay magaalooyinka iyo deegaanada ku xeeraan caasimada gobolka Sool ee Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]