4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2023
Human Rights Watch oo madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqday inuu xaddido awoodaha la siiyay hay’adda NISA
 

Sabti, February, 25, 2023 (HOL) - Hay’adda u doodda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay xaddido awooddaha hay’adda nabad sugida ee NISA, oo dhawaan golaha barlamaanka u meel mariyeen sharci awood badan siinaya.

Laetitia Bader, oo ah agaasime ku xigeenka Afrika ee hay'adda Human Rights Watch, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqday inuu yareeyo ballaarinta awoodaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA.

Laetitia Bader waxay sheegtay in sharcigan uu siinayo Hay’adda Nabad Suggida NISA awoodaha caburinta, xariga iyo dabagalka.

"Madaxweynaha Soomaaliya waa in uu sharcigan dib ugu soo celiyaa baarlamaanka oo uu ku baaqaa in si adag loo eego si wax looga qabto arrimaha xuquuqul insaanka ka hor imaanaya,” ayay tiri Laetitia Bader.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharcigan loo isticmaalo karo caburinta mucaaradka siyaasadeed iyo warbaahinta.

Human Rights Watch waxay haatanba ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, waxaana ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

"Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waa inay soo gudbiyaan welwelka ku saabsan sharcigan. "Waa inay ku cadaadiyaan dowladda inay dib u habeyn ku sameyso sharciga si loo hubiyo inuu ixtiraamayo xuquuqda dadka, halkii uu fududeyn lahaa xadgudubyada,” ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch.