4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2023
Guddiga KMG ah ee doorashada oo maanta qabanaya doorashada kursiga hop086

Sabti, February, 25, 2023 (HOL) - Guddiga KMG ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta qabanaya doorashada kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay 086.

Doorashada kursigan ayaa la qabanayaa xilli uu muran badan ka taagan yahay doorashadiisa kadib markii musharixiinta u taagan ay dowladda ku eedeeyeen in loo diiday inay isdiiwaan galiyaan.

Labo musharax ayaa isku diiwaan gelisay doorashada kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay 086.

Kursigan waxaa horey ugu guulaystay taliyihii hay'adda nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Laakiin guddiga ayaa doorashadiisii laalay sababa la xiriiray in aan la marin habraaca doorashada.

Tan iyo waqtigaas kursigaan waa uu bannaanaa, lagumana guulaysan in doorashadiisa la qabto.

Kursigan oo deegaan doorashadiisa aheyd Baladweyne ayaa loo soo wareejiyay magaalada muqdisho.

Waxaa hadda la hadal hayaa in dowladdu u xirtay shakhsi gaar ah oo dowladda ka agdhow.