4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2023
Maraykanka oo sheegay in lala xisaabtami doono dadka masuulka ka ah colaada Laascaanood
 

Jimco, February, 24, 2023 (HOL) -  Dowlada Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo colaada Laascaanood, iyadoo sheegtay in lala xisaabtami doono dadka masuulka ah dhibaatada.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitterka ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka Qaybteeda Afrika, ayaa lagu sheegay in loo bahanyahay in colaada la joojiyo, cida masuuliyada lehna lala xisaabtamo.

"Maraykanku waxa uu cambaaraynayaa sii socoshada weerarada aan kala sooca lahayn ee galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah magaalada Laascaanood, isla markaana barakiciyay in ka badan 185000 oo qof, colaadu waa in ay dhamaataa, dadka masuulka ka ahna lala xisaabtama".

Dowlada Maraykanka ayaa dhowr jeer ka hadashay colaada Laascaanood iyadoo shalay uu Hargaysa soo gaadhay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya oo madaxweynaha Somaliland kala hadlay sidii loo hirgalin lahaa xabad joojinta, shacabkana gargaar loo gaadhsiin lahaa.

Waddamada kale ee beesha caalamka ayaa iyaguna ku baaqay in la joojiyo xabada oo miiska wadahadalka layskugu yimaado xili xabad joojin ay xukuumada Somaliland ku dhawaaqday anay wali hirgalin sababo jira awgeed.

Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ku sugan iyo xukuumada Somaliland ayuu midba mid ka kale ku eedaynayaa in uu masuul ka yahay colaada, dhimashada, iyo barakaca shacabka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]