4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2023
Saadaasha Cimilada IGAD oo sheegtay in dalal Soomaaliya ku jirto ay wajahayaan xaalad roob yaraan ah

Jimco, February, 24, 2023 (HOL) - Iyadoo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daalaan dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Guga iyo Deyrta aanan ka da'in gudaha Soomaaliya xiliyadii la filanaayay, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar ay shaacisay saadaasha Cimilada IGAD in dalal ay Soomaaliya ku jirto ka dhici doonto roob yari baahsan.

Shir kusoo gabagaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlaayay afartii maalmood ee lasoo arrimaha isbadalka Cimilada oo ay ka qeyb galeen quburo kala duwan oo ka kala timid inta badan dalalka Caalamka oo qeyb ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arimaha isbadalka cimilada iyo saameynta ka dhalan karta.

Shirka waxaa si gaar ah carabka loogu dhuftay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga sii taxadaro xaaladaha nololeed ee ka dhalan kara roob yaraanta la saadaalinayo.

Bilaha Maarso, Abriil iyo May ee sanadkaan 2023-ka ayay saadaashu sheegtay in roobabka la filayo ay ka yaraan ka raan boqolkiiba lixdan, taasi oo masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya ay sheegeen iney sii adkeyn karto abaaraha haatan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sareeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo saameynta ugu daran ee abaarta ay ku yeelatay dadka xoola dhaqatada  iyo beeraleyda ah oo qaarkood ay u dhintaan gaajo iyo haraad.