4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2023
Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho kusoo bandhigay gaadiid, hub, waxyaabaha qarxa iyo ragii watay

Jimco, February, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u soo bandhigay Shabakad ay sheegeen iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab oo laga soo qabtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku howlana diyaarinta gaadiid qaraxyo ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed.

Kooxdaan Shabaab ka ah ee lasoo bandhigay ayaa tiro ahaan gaarayay sideed ruux oo dhamaantood rag ah, kuwaas oo Booliiska uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay xili ay gaari Homey iyo Mooto sadax lugooleey ah ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa iyo hubka qeybahiisa kala duwan oo la doonayay in loo qaado degmada Saakoow.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka ragaan lagu soo qabtay ay iska kaashadeen Booliiska iyo Nabadsugida, islamarkaana ay fududeeyeen dadka shacab ah.

"Ciidamada Boliiska iyo Nabadsugida waxay gacanta kusoo dhigeen Shabakad Shabaab ah oo 8 ruux ah hub, rasaas, waxyqaabaha qarxa oo ay ku jiraan 100 xabo oo Mobeylo yar yar iyo batariyaasha bajajata oo ah waxyabaha ugu badan ee qaraxyada loo isticmaalo, gaari Homey ah oo ay ku rarayeen waxyaabaha Qarxa Mooto nooca sadax lugooleeyda ee xamuulka lagu qaado, kooxdan ayaa gaariga Homeyda ah ee qaraxyada u raraayay degmada Saakoow" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Doodishe.

Afhayeenka Booliiska ayaa  ayaa sidoo kale sheegay in kooxdaan gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono Maxkamadaha sharciga u leh, wuxuuna uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed wadashaqeynta kala dhaxeysa laamaaha amaanka dowladda Soomaaliya.