4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2023
Maamulka Galmudug oo sheegay in 30 ka mid ah Al-shabaab lagu dilay howgal ka dhacay gobolka Mudug
 

Jimco, February, 24, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya howlgalo ay ka sameyeen deegaanka Faarax Aadan ee gobolka Mudug in lagu dilay 30 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qaatay saacado badan oo lagu jabiyay dagaalamayaal ka mid ah Shabaab oo dhuumaaleysanaayay godad uga qodnaa deegaanka Faarax Aadan ee gobolka Mudug.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa ka socday bilahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ka ku sugan deegaanadaasi oo ay dowladdu sheegtay in hubkoodii ay ka furanayaan dagaalamayaasha kooxda dadka shacabka ah oo ay horay u dhibaateyn jireen.

Al-shabaab ka ku sugan deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug ayay tilmaamtay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Galmudug iney wajahayaan maalmahoodii ugu adkaa, kadib cunaqabateyn iyo dagaalo toos ah oo ay ciidamada huwanta ah ku beegsanayaan Ururka Shabaab.