4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in codsiga fiisaha Kenya loo xiray shirkad gaar ah
 

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warqad baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsanayd in dowladdu codsiga fiisaha dalka ku galka Kenya u xirtay shirkad gaar ah.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in warqadaas oo gaartay dowladda Kenya ay tahay mid been abuur ah oo aan ka turjumayn mowqifka dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rabnaa inaan carrabka ku adkeyno in dowladda Soomaaliya aysan taageersaneyn hay’ado ama shaqsiyaad u fududeeya codsiyada fiisaha muwaadiniinta Soomaaliyeed,"ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay sheegtay inay dowladda Soomaaliya ka rajeyneyso dowladda Kenya in ay fuliso heshiiska fiisaha dal ku galka dadka wata baasaboorka Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii ku taariikhaysnaa July, 15. 2022 oo ay wada gaareen labada dal.

Wasaaradda waxay kula talisay cid kasta inay iska ilaaliso warqadaha ka imaanaya ilo aan sax ahayn.

Wasaaraddu waxa ay mar kale ku celisay in ay sii wadayso xiriirka ay la leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Si kastaba ha haateee, dhaleecayn adag ayay Dowladda Soomaaliya kala kulantay kadib markii warqad loo malaynayo inay kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay in shirkad gaar loo leeyahay loo xiray codsiga fiisaha dal ku galka Kenya.