4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulahii ugu dambeeyey ee dowladda ka gaartay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Kulanka Golaha Wasiiradda waxaa warbixino la xariira xaalada howlgalada ka socda gudaha dalka iyo goobahii ugu dambeeyay ee Al-shabaab laga qabsaday looga dhageystay Wasaaradaha amniga gudaha iyo Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale waxaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay weerar maalin ka hor kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen guri ku yaala degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnayeen qaar ka mid ah ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle oo dhawaan ku dhaawacmay dagaalo ka dhacay deegaanada Afcad iyo Iji ee gobolka Hiiraan.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu bogaadiyey guulaha ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen dagaalka la gula jiro kooxda Al-shabaab oo lagula wareegay hub iyo deegaano cusub.

Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaanada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay'adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaala dalka Niger.

Gabagabadii Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmadka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb qaadanayaan Gurmadka loo sameynayo  shacabka iyo dowladda Turkiga.