4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Somaliland iyo Maraykanka oo ka wadahadlay colaada Laascaanood
 

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) -  Xukuumada Somaliland iyo Maraykanka ayaa ka wadahadlay sidii xabad joojin buuxda looga gaadhi lahaa colaada Laascaanood iyo sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka ku barakacay.

Kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiir ku Xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle, ayaa lagaga wadahadlay sidii xabada loo joojin lahaa, gargaarna loogu fidin lahaa dadka barakacay.

"Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka wadahadalnay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh iyo qalalaasaha Laascaanood, Maraykanku wuxuu beesha caalamka kala midyahay in la sameeyo xabad joojin bilaa shuruuda, iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn" Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sida qortay.

Sidookale, Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in labada dhinac ka wadahadleen dagaalka Laascaanood, iska kaashiga ka dhexeeya labada dhinac, xoojinta nabadgalyada Geeska Africa, iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la'aan ah taasi oo aan wali hirgalin, sidookale xukuumadu waxay bilowday howlgal ay gargaar ku dhaagsiinayso dadka colaadu barakicisay, iyadoo beesha caalamkana ka codsatay in ay ka taageerto.

Sida hay'adda Bisha Cas sheegtay 150 qof ayaa ku nafwaayay dagaalka, isla markaana 600 oo qof ayaa ku dhaawacmay halka ay ku barakeceen kumaanan qof, kuwaasii oo u qaxay deegaanada ku xeeran Laascaanood.

Garaadada dhaqanka ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay duqaymo ka gaysteen magaalada, isla markaana ay madaafiicdoodu laysay shacabka, halka ciidanku sheegay in kooxo nabad diid ahi ay magaalada burburinayaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]