4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Safiirka Maraykanka ee QM oo walaac xooggan ka muujisay rabshadaha ka socda Laascaanood
 

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa ka muujisay walaac xooggan rabshadaha sii kordhaya ee Laascaanood.

Linda Thomas-Greenfield waxay si gaar ah u iftiimisay duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, lana ilaaliyo dadka rayidka ah.

Hadalka Safiirka ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Laascaanood ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo Ciidamo ka soo jeeda gobolada SSC.

Colaadda ayaa sababtay dhimashada in ka badan 150 qof iyo in ka badan 500 oo dhaawac ah iyo barakaca tobanaan kun oo rayid ah, iyadoo la soo sheegayo burbur iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Thomas-Greenfield ayaa sidoo kale ka hadashay Macluusha ka dhalan karta Soomaaliya, iyadoo ka digtay inay taasi fashil ku noqon doonto Beesha Caalamka hadii ay dhacdo.

Waxa ay ugu baaqday beesha caalamka in ay ka qeyb qaataan ka hortagga macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo ku nuux nuuxsatay in ay tahay mas’uuliyad wadareed.