4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Wasiiru dowlihii gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya oo iscasilay
 

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Wasiiru dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa iska casilay xilkiisa sida uu ku sheegay qoraal.

Wasiiru dowlaha ayaa iscasilaadiisa sabab uga dhigay, ka dib markii uu sheegay in wasiirka duulista hawadu ay ku tagrifal awoodeed ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qoraal uu isku iscasilay oo uu soo dhigay Facebook, ayuu ku sheegay inuu u adkaysan waayeen cabashooyin ay u soo gudbiyeen shirkado ruqsad sharci ka haysta wasaaradda, kuwaas oo ka cabanayay wasiirka gaadiidka.'

Iscasilaadiisa ayaa kusoo beegantay xilli wasiirka gaadiidka ay soo saartay warqad lagu joojinayo shidaalka shirkad lagu magacaabo Prime Aviation Fuel, shirkadaas oo shidaalka u keenta diyaaradaha garoonka Aadan Cadde.

Laakiin, warqad kale oo kasoo baxday wasiiru dowlaha iscasilay ayaa loogu fasaxay shirkaddan shaqadeeda.

Arrintan ayaa muujinaysa khilaafka u dhaxeeya wasiirka iyo wasiiru dowlaha

Halkaan hoose ka akhriso iscasilaadiisa.