4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Danjire Abuukar Baale: Waxa Laascaanood ka socda waa dambi dagaal oo ka dhan ah Aadanaha
 

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baale, ayaa waxa ka socda magaalada Laascaanood ku tilmaamay dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha iyo qiyamka dadka Soomaaliyeed.

Danjire Abuukar Baale oo warbixin siinayay golaha ammaanka ayaa sheegay in weerar aan loo kala soocin lagu qaaday dadka rayidka ah iyo sidoo kale kaabayaasha bulshada.

Baale wuxuu sheegay dowladda soomaaliya inay ka go’an tahay in baaritaan lagu sameeyo isamarkaana lagula xisaabtamo kuwa lala xiriirinayo inay ka dambeeyaan dhibaatadan.

“Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, lana sameeyo wada xaajood. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay in la abuuro wada hadal loo dhan yahay, si loosoo celiyo xasiloonida iyo degenaanshaha,” ayuu yiri abuukar Baale.

Danjiraha Soomaaliya ee QM wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay mas'uuliyad ka saaran tahay in la ilaaliyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena gargaarka la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen colaadaha Laascaanood,”ayuu yiri Baale.

Danjiruhu wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka inay si degdeg ah magaalada Laascaanood  u geeyaan gargaarka bini’aadinimo ee loo baahan yahay.