4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Macalin Dugsi Quraan oo lagu dilay magaalada Baledweyne
 

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Kooxo hubeeysan ayaa xalay fiidkii xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad ee Magaalada Baledweyne ku dilay Macalin dugsi Quraan oo caan ka ahaa Baledweyne.

Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Mowliid Cali Cilmi oo ka mid ahaa Culuma'udiinka Magaalada Baledweyne, kaasoo dableydii geystay dilkiisa ay isaga baxsadeen goobta ay ku dileen marxuumka.

Macalinka la dilay ayaa Madaraso lagu barto Quraanka Kariimka ku lahaa xaafada Xaawo taako ee magaalada Baledweyne, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.

Xaalada amaan ee Magaalada Baledweyne ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, kadib markii ay kusoo kordheen gudaha magaalada Baledweyne mudooyinkii lasoo dhaafay falalka amaan daro ee la xariira dilalka iyo bam gacmeedyada lagu weeraro fariisamaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha magaalada Baledweyne.