4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2023
Dowladda oo sheegtay in howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay 20 xubnood oo ka mid ah Shabaab

Arbaco, February, 22, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay In howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan in lagu dilay 20 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayay dowladdu sheegtay iney si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Nabadsugida Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, kaasoo ay sheegtay in lagu beegsaday gaari noociisu yahay Homey oo ay saaranayeen ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalka ay qeyb ka ahayeen xubno ka badbaaday howlgal shalay ka dhacay deegaanka Cadalay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaate howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay galinkii dambe dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cadalay iney ku dishay in ka badan 42 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo halkaasi isku aruursanaayay.