4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2023
Faysal Cali Waraabe: Muuse waxan ka codsanaya in uu xilka ka dago

Arbaco, February, 22, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu sabab u yahay colaada Laascaanood iyo dhibaatooyin kale, wuxuuna ugu baaqay in uu is casilo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu masuul ka yahay colaada ka taagan magaalada Laascaanood, isla markaana uu abuuray dhibaatooyin kale oo baaxad leh.

“Waxaan aad uga xumahay dagaalka macno darada ah ee ka socda Laascaanood. Dhibaatada Laascaanood  waxay ka mid tahay dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ka jira ee uu abuuray Muuse" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu ku andacooday in Somaliland ay qarka u saarantahay burbur, iyo in ay noqoto xarun kooxaha argagixisada ah hoy u noqota, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in uu is casilo si xal loo helo.

"Dalku wuxuu qarka u saaran yahay burbur iyo inuu noqdo xudunta xagjiriinta. Madaxweyne Muuse waxaan ka codsanayaa in uu xilka ka dago si loo badbaadiyo Somaliland" ayuu yidhi Waraabe.

Dagaal u dhexeeya millateriga Somaliland iyo ciidamo taabacsan garaadada ku sugan Laascaanood, ayaa muddo 2 todobaad ka badan ka socda magaalada Laascaanood, isla markaana xabad joojin ay xukuumada Somaliland ku dhawaaqday ayaan wali hirgalin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]