4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2023
Midowga Yurub oo sheegay inuu taageeridoono xasilinta deegaanada laga xoreeyay Alshabaab

Arbaco, February, 22, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms Tiina Intelmann, iyagoo ay ka wada hadlay mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub uu ka taageero Soomaaliya.

Ujeeddada kulankaan ayaa ahaa sidii barnaamijyada uu Midowga Yurub ku taageero Soomaaliya xoogga loogu saari lahaa arrimaha ahmiyadda u leh xukuumadda Soomaaliya.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaare Xamse in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta uu ka taageero Somaliya.

Ms Tiina Intelmann waxay sheegtay in xilligan Midowga Yurub uu kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab.

Waxay sheegtay inay muhiim tahay in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyo adeegyadda aasaasiga ee baahida loo qab, si dadka dib u kabasho u helaan.

Si kastaba ha ahaatee, degaanada laga xoreeyay oo aysan ka jirin adeegyo bulsho oo sahli kara inay dadka kusii noolaadaan, ayaa ah caqabadaha ugu wayn ee dowladda haysata.

Taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya ayaa maalin la hor dowladda ugu baaqay inay xasilin u sameyso dhulka la xoreeyay.  Wuxuu sheegay ciidamadu inay horey ugasii soconayaan dhulka la xoreeyo.