4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2023
Doorashooyin is khilaafsan oo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Arbaco, February, 22, 2023 (HOL) - Labo doorasho oo iskasoo horjeeda oo lagu kala dooranayo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka dhacday maanta Muqdisho.

Labada garab oo ay kala hoggaaminayaan Cali Shiino oo ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta iyo Xasan yabarow Wiish, ayaa mid kasta gaarkiisa loogu doortay Muqdisho.

Labada garab ayaa mid walba isu arka inuu haysto sharciyadda xiriirka kubadda cagta. Waxaana la og yahay inay masuuliyiin katirsan dowladda saamayn ku leeyihiin waxa socda, sida aan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah oo arrimahaan la socda.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay sii murjiso xaaladda xiriirka kubadda cagta oo awal hore la daala dhacayay khilaaf ka dhashay guddoomiyihii hore ee xiriirka oo xilka si degdeg looga qaaday.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa horey digiin ugu jeediyay dhinacyada isku haya xiriirka, waxaana laga yabaa inuu qaado tallaabo dhalin karta in Soomaaliya laga joojiyo tartamada caalamiga ah sida aan shalay qornay.