4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2023
Wasiir Karoore "Dayac amni oo lagu sameeyay ayay u dhinteen dhaawacyada lagu weeraray gurigii ay ku sugnayeen"
 

Arbaco, February, 22, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Shalay kooxda Al-shabaab ay ku qaaday guri ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnayeen dhaawacyo ka tirsana ciidanka Macawiisleeyda.

Wasiir Karoore ayaa sheegay in weerarkaas kooxda Al-shabaab ay ku dishay 10 ka mid ah ciidanka Macawiisleeyda oo dhaawacyo horay uga soo gaaray dagaaladii dhawaan ka dhacay Hiiraan looga dabiibay gurigaasi, isagoona xusay in dadka dhintay uu ku jiray dhaqtarkii daawaeynayay dhaawacyadaas.

"Al-shabaab waa niman looga adkaaday dagaalkii furinta ahaa marka aarsi iyo cadowtinimo ayey ku jiraan, waxayna rabaan inay dadka xanuunjiyaan, oo weerarka wuxuu ahaa mid aargudasho ah oo ay Al-Shabaab uga jawaabeyso jabkii loogu geystay gobolka Hiiraan” ayuu yiri Wasiir arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiir Karoore in ragaan ka tirsana Macawiisleeyda ee lagu weeraray hoygii ay ka daganayeen Muqdisho in dayac amni oo lagu sameeyay ay u dhinteen.

“Waa qorshe ay maleegeen oo ay ku guuleysteen kooxda Shabaab, gobolka Banaadir haddii ay tahay amnigii iyo talooyinka kaleba dadka deegaankaas kasoo jeeda wax metelaad ah kuma lahan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabaeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.

Gabagabadii weerarkaan ayay dowladda Soomaaliya soo afjartay Xalay, iyadoona sheegtay iney dishay ragii weerarka fuliyay oo ahaa afar ruux, islamarkaana weerarka ay ku dhinteen 10 ruux oo shacab ahaa ayna ku dhaawacmeen sadax ruux oo kale.