4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo afjaray weerar Shabaabku ku qaadeen guri kuyaala degmada Cabdicasiis
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada Dowladda ayaa soo afjaray dabley katirsan Alshabaab oo galabtay gudaha u galay guri kuyaala degmada Cadicasiis ee gobolka Banaadir.

Guriga ay weerareen Alshabaab ayaa lagu dabiibayay qaar kamid ah ciidamada dib u xoraynta ee kusoo dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa toogtay afar nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo muddo saacado ah ka dhex dagaalamayay guriga ay weerareen.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in nafti hallige ka tirsan kooxda Alshabaab uu isku qarxiyay albaabka guriga. Kadibna waxay sheegtay in afar Shabaab ah ay gudaha u galin dhismaha iyagoo bilaabay in ay beegsadaan dadkii halkaas ku sugnaa.

Wasaaradda warfaafintu waxay sheegtay in weerarkan ay ku geeriyoodeen 10 qof oo ay ku sheegtay inay ahaayeen dad shacab ah iyo dhaawaca saddex kale.

Wasaaraddu ma aysan sheegin goobta la weeraray in lagu dabiibayay ciidamo kusoo dhaawacmay dagaalada kooxda Alshabaab lala galay.

Balse, guddoomiyaha degmada Cabdicasiis oo caawa la hadashay saxaafadda ayaa sheegtay in dad dhaawac ah lagu beegsaday guriga.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Roodo Cabdi Cali waxay sheegtay in Shabaabku iyagoo lugaynaya ay si qarsoodi ah kusoo galeen degmadeeda.

Si kastaba ha ahaatee, goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ahayd goob amni oo ay degen yihiin masuuliyiin iyo saraakiisha ciidamada. wayna adkayd in Shabaabku helaan fursad caynkaas ah.