4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay in ka badan 42 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in howlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cadalay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe in lagu dilay in ka badan 42 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayay sheegtay dowladda iney iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah, kaasoo ay sheegtay inuu socday in ka badan 30 saacadood laguna beegsaday saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo isku aruursanayaay deegaankaasi.

Warsaxafadeed dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka 27 ka mid ah Shabaab lagu dilay hal goob, islamarkaana 15 ka kale lagu dilay godad ay ka qoteen deegaanka Cadalay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayay dowladda sheegtay inuu yahay mid daba socday howlgalo maalmo kooban ka hor ka dhacay deegaanada Afcad iyo Iji ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay dowladdu horay u sheegtay iney ku dishay in ka badan 200 oo ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya:-