4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Weerar qaraxyo ku bilaawday oo ka socda guri ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guri ku yaala degmadaasi uu haatan ka socdo weerar ku bilaawday qaraxo waa weyn.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraray guri la sheegay inuu degan yahay Jenaraal ka tirsan Militariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Garabeey, islamarkaana ay sidoo kale ku sugnayeen 10 ka mid ciidamada loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhawaan kusoo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan inuu dagaal toos ah ku dhexmarayo gudaha guriga kooxda weerartay ee ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamo dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda oo ku sugnaa guriga la weeraray.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxa ku bilaawday ee ka socda guriga ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaana la maqlaya rasaas aad u xoogan oo ka dhex socota gurigaan oo la soo sheegayo inuu ku yaala agagaarka dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku leedahay degmada Cabdicasiis.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.