4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Soomaaliya oo wajihi karta in laga mamnuuca cayaaraha caalamiga ah
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga yaabaa inuu go’aansado in Soomaaliya laga mamnuuco Ciyaaraha Caalamiga ah.

Arrimahan ayaa loo sababaynyaa muran joogto oo hareeyay xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo sidoo kale fara galin lagu eedeeyay wasiirka dhallinyaradu inuu ku hayo arrimaha Kubadda Cagta ee dalka.

"Faragelinta wasiirku ku hayo ciyaaraha waxay si cad u jebinaysaa dastuurka FIFA oo sheegaya in dawladda laga saaro ciyaaraha," ayuu yiri Xuseen Abkow oo ah qabiir kubadda cagta ah, isagoo la hadlayay warbaahinta The Africa Report.

"Haddii xaaladdu ay sii ahaato mid fowdo ah sida hadda oo kale oo uu sii socdo khilaafka SFF, waddanku wuxuu wajihi karaa mamnuucida FIFA, taas oo u badan tahay inay hoos u dhigto kobaca kubbadda cagta ee dalka,”ayuu hadalkiisa ku daray Abkow.

Xiisada ka dhex aloosan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2022 kadib shir aan caadi aheyn oo xilka looga qaaday gudoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee xiligaas Cabdi Qani Saciid Carab kadib markii lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed.

Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan Soomaaliya ay ku guuleysatay tartanka 17-jirada ee Bariga Afrika, kaasoo ahaa kii ugu horreeyay ee taariikhda kubadda cagta dalka ee Soomaaliya.