4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay warar sheegaya in gaadiid Wasaaradda leedahay uu u gacan galay Al-shabaab
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa goordhaw qoraal uu bartiisa Facebook uu soo dhigay waxa uu ku beeniyay jiritaanka wararka sheegaya gaadiid ay leedahay Wasaaradda ama isaga oo u gacan galay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay wasiir Abshir Cumar in waxba kama jiraan ay tahay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira in gaadiid uu isaga ama Wasaaraddu leedahay uu maqan yahay.

"Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama Wasaaradda arrimaha dibadda leedahay oo ka maqan gacantayada ama u galay Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in wararkaan ay baahiyeen dad dano gaar ah leh oo doonaya iney marin habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Warkaan kasoo baxay wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada ku xariirto si aad ah looga hadal haayay in gaadiid ay leedahay Wasaaradda arrimaha Dibadda loola goostay dhanka kooxda Al-shabaab.