5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Asias Afwerki: Soomaaliya waxay u baahan tahay inay hesho ciidan gaaraya 140 kun illaa 160 kun
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo qarannimada Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagi karta.

Madaxweyne Afwerki oo wareysi dheer siiyay warbaahinta dalkiisa, ayaa sheegay, Soomaaliya inay u baahan tahay xoojinta hay'addeeda madax-bannaan oo ay ku jiraan ciidamo difaac oo la aamini karo.

Afwerki wuxuu sheegay faragelin badan oo dibadda ah oo ay weheliso daciifnimo gudaha ah iyo khatarta argagixisada inay Soomaaliya ka dhigtay waxa loogu magacdaray Dawlad fashilantay.

Wuxuu sheegay arrimahan inay Soomaaliya galiyeen xasillooni-darro daba-dheeraatay oo ay ka faa’iidaysteen joogitaanka xoogag shisheeye.

Isaga oo ka hadlayay baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filnayn shanta kun ee Eretria u taba bartay Soomaaliya.

Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo leh ayaa sheegay in  Soomaaliya ay u baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun.

Asias Afwerki wuxuu sheegay Dowladda Ereteriya inay qaadanayso doorkeeda ku habboon dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxa ay tahay in la aqoonsado waa waxtarka la taaban karo ee ay Soomaaliya ku leedahay gobolka marka loo eego muhiimada juquraafi-istiraatijiyadeed, sida kheyraadka badan ee beeraha, kalluumeysiga, iyo laga yaabo in lagasoo saaro saliid & gaaska,” ayuu yiri Afwerki.