4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo weerar ku bilaawday bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro oo xalay lagu qaaday xerada Guulwadayaasha ee ku taala agagaarka dhismaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Xerada Guulwadayaasha ayaa la sheegay in koox ka tirsan Ururka Al-shabaab ay fiidnimadii hore ee xalay ku weerareen dhowr bambo oo ah nooca gacanta laga tuuro, dabadeedna uu xigay dagaal mudo kooban socday oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubnahii Shabaabka ahaa ee weerarka ku qaaday xerada.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaan.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in rasaasta labada dhinac u dhaxeysay ay aheyd mid xoogan oo socotay ku dhawaad 20 daqiiqo oo xariir ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan xalay lagu qaaday xerada ciidan ee Guulwadayaasha, hayeeshee maysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe ciidamada dowlada ay kordhiyeen howlgalada ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.