4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool oo ku baaqay in Muuse Biixi lagula xisaabtamo dhibaatada Laascaanood ka socota
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland lala xisaabtamo oo maxkamad lagusoo taago dhibaatada ka socota magaalada Laascaanood.

Xildhibaanadan oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamadiisa ku amray inay xasuuq ka geystaan magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Cabdullaahi Rooble oo kamid ah xildhibaanada ka hadlay arrintan, ayaa sheegay magaalada Laascaanood inay ka dhaceen dambiyo waawayn oo u baahan in lagula xisaabtamo Muuse Biixi sida uu sheegay xildhibaan Rooble.

Wuxuu sheegay Somaliland inay burburinayso magaalada Laascaanood, kadib markii uu sheegay in magaalada si joogto ah maalin kaste madaafiic loogu garaaco goobaha dadweynaha.

Xildhibaan Cabullaahi Bidhaan, wasiirkii hore ee kalluumaysiga Soomaaliya, oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Sool, ayaa soo dhoweeyay in dowladda Soomaaliya ay taageertay mowqifka iyo rabitaanka shacabka SSC.

Wuxuu sheegay SSC in loogu soo duulay rabitaankooda midninada Soomaaliya iyo sababta ay ugasoo horjeedaan gooni isku taaga Somaliland.

Wuxuu sheegay in boqolaal shacab ah lagu laayay magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay inay u dhinteen iyagoo difaacaya midnimada dalka.