4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2023
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo saakay mar kale dib uga qarxay Laascaanood
 

Talaado, February, 21, 2023 (HOL) - Dagaal xoogan ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo udhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa shacabka SSC.

Wararku waxay sheegayaan in ciidanka somaliland ay weerar kusoo qaadeen fadhiisin ay ciidanka SSC ku lahaayeen duleedka Laascaanood kadib halkaas uu dagaal ka qarxay.

Diryanka hubka waaweyn oo ay adeegsanayaan dhinacydu ayaa saaka siweyn looga maqlayay xaafdaha kala duwan ee magaalada.

Weli lama sheegin wax khasaare maadaama uu dagaalku weli socdo, balse dhawaqa gaadiidka Ampulance-ta ayaa laga maqlayaa xaafadaha magaalada Laascaanood.

Dhanka kale waxaa iyana dagaalka barbar socda duqayn ay ciidanka somaliland ugaysanayaan gudaha magaalada Laascaanood, taasi oo sababtay burbur xoogan oo soo gaadhay goobaha muhiimka ah ee magaalada Laascaanood.

Dagaalka saaka markale qarxay ayaa galay maalinkii 17 oo xidhiidh ah iyadoona aysan jirin cid ilaa hada soo kala dhexgashay labada dhinac ee ku dagaalmaya magaalada.