4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2023
Xisbiga Himilo Qaran oo ka horyimid qorshe mudo kororsi loogu sameyn rabo hay'addaha dowladda
 

Isniin, February, 20, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga soo horjeestay qorshe mudo kororsi oo uu Xisbiga sheegay in la damacsan yahay in loo sameeyo hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in nasiib daro weyn ay tahay iney dhinac maraan golayaasha dowladda Fedaraalka iyo maamul goboleedyada dalka qodobada ku qeexan Dastuurada lagu doortay ee awooda u siiyay iney hoggaamiyaan bulshada.

Warsaxafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iney dhowraan sharciga oo ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara mudo kororsi sabab u noqon kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed.

Warkaan kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa kusoo beegnaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordhayeen warar sheegayay soo jeedin ku aadan mudo kororsi loo sameynayo hay'adda dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran:-