4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2023
Barkhad Batuun: Garaadadayda waxan ka codsanayaa in maanta caqligooda lagu kala baxo
 

Isniin, February, 20, 2023 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil. Barkhad Jaamac Batuun, ayaa garaadada Laascaanood ku sugan, ka codsaday in ay nabada qaataan, isaga oo sheegay in xukuumadu  dab shidayso.

Xil. Batuun ayaa garaadada ka codsaday in caqligooda iyo cilmigooda lagu kala bad baado "Waxan codsanayaa in maanta caqligiina iyo cilmigiina, aad ku bad baadisaan dalka iyo dadka, in aydun calanka nabada qaadataan, waxan qirsanahay in aad tihiid dad ku suntan halgan iyo gobonimo".

Waxa uu sheegay in xukuumadu ay sidato dab ololaya, oo ay doonaysay in ay  Boorama ku gubto, lakiin reer Boorama fahmeen, markii danbena ay Burco iyo Sanaag la tagtay, kadibna ay  Hargaysa keentay oo ay dad badan ku laysay, kadibna ay gaysay Sool.

Waxa uu sheegay in dhibaatada xukuumada Biixi u gaysatay Somaliland anay ahayn dhib Laascaanood oo kali ah ku kooban, lakiin ay tahay dhibaato gaadhay shacabka Somaliland oodhan, isla markaana ay luntay aaminadii lagu qabay xukuumadu.

Batuun ayaa ugu danbayntii yidhi "Ugu danbayn, waxan garaadadayda sharafta leh ka codsanayaa in maanta caqligooda lagu kala baxo caqligii xukuumada waa lagu kala bixi waayee".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]