4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2023
Golaha Wasiirada EAC oo ka fiirsan doona warbixinta xaqiijinta Soomaaliya si ay uga mid noqoto ururka EAC
 

Isniin, February, 20, 2023 (HOL) - Xoghayaha Guud ee dallada bulshada bariga Afrika ee EAC, Peter Mathuki ayaa wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka wada hadleen Shirka Midowga Afrika.

Mathuki ayaa uga warbixiyay madaxweyne Xasan halka uu marayo codsiga Soomaaliya ee ku aadan ka mid noqoshada ururkan iyo arrimo kale oo gobolka ah.

Golaha wasiirada ee dallada EAC ayaa ka fiirsan doona warbixinta xaqiijinta Soomaaliya si ay uga mid noqoto EAC.

Dabayaaqadii bishii hore, koox khubaro ah oo ka socda dalalka ay bahwadaagta yihiin EAC ayaa si rasmi ah u bilaabay howlgalka xaqiijinta ee lagu qiimeynayo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay ka mid noqoshada urur goboleedka.

Kooxdu waxay qiimeeyeen xeeladaha iyo qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jiraan kaabayaasha, tamarta, waxbarashada iyo sayniska, nabadda iyo amniga, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Kooxdu waxay sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen maqaamka Soomaaliya ee sharciga caalamiga ah waxayna dejiyeen diyaargarowga dalku ugu jiro ka mid noqoshada Midowga dallada EAC.

Haddii la ogolaado, Soomaaliya waxay ku biiri doontaa 7-da xubnood, waxayna noqon doontaa siddeedda waddan ee EAC.