4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2023
25 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Isniin, February, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaanada Ceel bacad iyo Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgaladooda ku bartilmaameedsaday fariisimo kooxda Al-shabaab ay ku lahayeen inta u dhaxeysa labadaasi deegaan oo la tilmaamay iney ahayeen Saldhigyo waa weyn.

Gaashaanle Aadan Jeele Cali oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgaladan qorsheysan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney ku dileen howlgalka 25 ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkooda ay ku burburiyeen Saldhigyo waa weyn oo ay kooxdu ka sameeysatay halkaas oo ay ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah.

Deegaanada Ruunirgood iyo Ceel bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii ay horay uga talin jireen mudada dheer kooxda Al-shabaab, iyadoona dhawaan ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanadaas ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.