4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Isimada shirku Laascaanood uga socdo oo ka hadlay dhexdhexaadinta madaxweynaha Jabuuti

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee shirku Laascaanood uga socdo, ayaa sheegay in anay aqbalayn dhexdhexaadin madaxweynaha Jabuuti.

Afhayeenka guddida 33 ka ah ee maamulaysa shirka Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in aanay jirin wax dhexdhexaadin ah oo ay aqbalyaan hada, kadib markii IGAD sheegtay in madaxweyne Geelle dhexdhexaadin ka galayo arrinta Laascaanood.

"Maya diyaar uma nihin warkii oo kooban, arrintaa diyaar uma nihin, hadii aanu nahay dadka gobolada waxa wali isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay" ayuu yidhi Falaalug.

Waxa uu sheegay in ay maalin walba ka cabsi qabaan in ciidamada Somaliland ay soogalaan, sidaa darteed anay ku jirin jawi ay wada hadal iyo waan waan Somaliland kula galaan, "Macquulna maaha, meel ay ka shaqaysana garan maayo qof aad qoorta kaga taagantahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto".

Waxa uu sheegay in anay jirin cid ay dhexdhexaadin ka aqbalayaan, ama IGAD ha ahaato, Jabuuti, dowlada Soomaaliya ama dowladaha kale ee caalamka ilaa ciidanka Somaliland baxo "Ismaaciil Cumar Geelle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadka yaga dilay".

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland oo Laascaanood ku sugan ayaa dhankiisa garaadada ku eedeeyay in ay iyagu dadka qixiyeen, waxaanu dadka ugu baaqay in ay magaalada kusoo noqdaan, oo ay noloshoodii caadiga ahayd dib u bilaabaan.

Xasarada ka taagan Laascaanood ayaa sababtay in dadku ka qaxaan magaalada, xili ciidamada Somaliland ay magaalada dibada ka joogaan, isla markaana ciidamado hubaysan oo garaadada daacad u ah ayaa gaaf wareegayaan gudaha magaalada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]