4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Madaxweynaha Galmudug oo Mareykanka kala hadlay xoojinta howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab
 

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay inuu kala hadlay saraakiisha Ameerikaanka ah howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab, islamarkaana uu ka codsaday saraakiisha AFRICOM iney laba jibaaraan taageeradooda ku aadan howlgalada dhinaca cirka iyo dhulka ah ee lagu beegsanaayo Ururka Al-shabaab.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa sidoo kale  Taliska AFRICOM ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan dib u soo kabsashada dadka deegaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen kooxda Shabaab, sidii loogu samayn lahaa adeegyada bulshada ee Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo horay kooxda u burburisay.

Saraakiisha Taliska AFRICOM ayaa dhankooda balan qaaday inay joogteyn doonaan howlgaladda ka dhanka ah Shabaab, iyagoona ka mahadceliyay wada shaqaynta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka Galmudug kala dhexeysa.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka Al-shabaab iyo horumarinta adeegyada Bulshada meelaha laga saaro kooxda.

Deegaanada Galmudug waxaa haatan ka socda howlgalo ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoona howlgaladaasi Shabaab looga saaray inta badan deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ay ka talin jireen in ka badan 10 sano.