4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Willian Ruto: Waa inaan baabi'innaa shabakadaha argagixisada Soomaaliya
 

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.

Willian Ruto ayaa xusay in gobolku uu qaato istiraatijiyad mideysan oo lagula dagaalamayo argagixisada iyo dambiyada la xiriira.

Wuxuu sheegay in dadaal wadajir ah, madaxdu ay awood u leeyihiin in ay dib u dhisaan bulshooyin xasiloon oo ay sugaan wanaagga dadka.

"Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada iyo faafinta xagjirnimada,” ayuu yidhi.

"Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto ayaa Soomaalida ka codsaday inay si geesinimo leh ugu kacaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay ka-qaybgalka bulshada deegaanka ee ka hortagga Al-Shabaab ay tahay mid aad u geesinimo leh oo cajiib ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Arbacadii magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay shirka madaxda dalalka safka hore ee Soomaaliya oo looga hadlay dadaallada ciribtirka argagixisada Soomaaliya.