4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2023
Garaadada Laascaanood ku sugan oo ka hadlay ergada qaar kamid ah salaadiinta Somaliland ugu tagayaan
 

Axad, February, 19, 2023 (HOL) -  Garaadada gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee Laascaanood ku sugan, ayaa mar kale sheegay in anay jirin cid ergo ah oo lasoo hadashay.

Garaadadu waxay beeniyeen war uu xalay mid kamid ah madax dhaqameedka Somaliland warbaahinta ugu sheegay in ay la hadleen garaadada Laascaanood ku sugan.

"Suldan Daa'uudow ilamaad soo hadlin, garaadada gobolada Sool iyo Sanaag toona lamaad soo hadlin, waxaanu ku leenahay beelaha Garxajisna warkoodu waanu maqalay, Berbera ayaad maraysaaye iska noqo" Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sida yidhi.

Odayaasha ergada ah ee u socda Laascaanood ayaa dhankooda sheegay in qof aan waxba ogayni ka been abuuray, lakiin aanu jirin wax wada xidhiidha oo ay la sameeyeen garaadada, oo ay iyagu is xilqaameen, sidaana ay Laascaanood ku tagayaan.

Garaadada Laascaanood ku sugan ayaa dhanka kale soo dhaweeyay go'aanada kasoo baxay shirkii beelaha Garxajis ay ku yeesheen Hargaysa, oo ay beeshu ku sheegtay in anay wax ergo ah ugu tagi dooniin garaadada Laascaanood ku sugan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]