Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo dhiggiisa William Ruto oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa

 

Axad, February, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

newsinsideMadaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada ku aaddan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo Alshabab.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhankisa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

William Ruto ayaa tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay dhiggiisa Dalka Kenya in Dowladdiisu mudnaanta siinayso yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.