4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2023
Ciidamada Booliiska oo goordhaw magaalada Muqdisho ku toogtay nin hubeysnaa
 

Axad, February, 19, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Saldhiga deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw nin hubeysnaa ku toogtay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninka ciidanka ay toogteen inuu ahaa Al-shabaab, islamarkaana uu qorsheynaayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda.

"Ciidanka saldhiga deegaanka Garasbaleey ayaa gordhaweyd ku toogtay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim dhagar-qabe Ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu nafta dhaafiyo askari ka tirsan Ciidanka dowladda. Dhagar qabahaan ayaa qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqaynta Ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka oo ah mid wanaagsan" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo bacay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday shacabka in ciidanka Booliiska kala shaqeyaan dhanka amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

"Muwaadin, fadlan la shaqeey ciidanka Booliska oo la xiriir lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad siddo fariin amni ama cabasho" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amaanka guud ee magaalada Muqdisho.