4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab deegaanka Beerxaano oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay ka war heleen xubno ka tirsan Shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka, islamarkaana ay weerar ku qaadeen goobtii ay isku aruursanayeen xubnaha ka tirsan Shabaab.

Waxaa la tilmaamay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo waliba laga maqlaayay meelo ka fog fog halka uu dagaalka ku dhexmaray ciidamada is garabsanaya iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo qaatay mudo ka badan 1 saac oo xiriir ayaa labada dhinac waxaa kala gaaray gurmadyo ciidan, wararka hordhaca ee aan ka haleynay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa sheegaya iney ku dhinteen 4 ruux oo labada dhinac ah, sida uu shabakada HOL u sheegay mid ka mid dadka ku sugan deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta gudaha waxay u sheegeen in dagaalka ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Al-shabaab, walow aysan carabaabinta inta uu dhan yahay khasaaraha, iyagoo intaa ku daray in Shabaab ay ka saareen deegaano ay ka mid yihiin Beerxaano Tarashante Dhoqor iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca dhinaca Koonfureed ee magaalada Baledweyne.