4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo guddoomiyay shirka madaxweynayaasha dalalka safka hore kaga jira dagaalka Alshabaab

Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay Muqdisho kuwa qaateen madaxweynayaasha dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo Alshabaab, kaddib markii Dowladda federalku bilowday guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.

Madaxweynayaashu waxay isla falanqeeyeen fulinta qorshaha kasoo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda waxaa la sheegay inay bogaadiyeen guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo Alshabaab ay ka soo maleegi jireen weerrarda amni darrada.

Madaxdu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo soo xirmay goor dhowayd ayaa laga soo saarayaa war murtiyeedka waxyaabihii la isku afgartay.