4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey in ay wadajir ah uga qeyb galaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
 

Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga hadlayo amniga oo u dhaxeeya wadamada safka hore kaga jira howlaha nabad ilaalinta  Soomaaliya.

Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ayaa kumannaan askari oo milateri ah ku deeqay si ay u taageeraan ciidamada Soomaaliya si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Milatariga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf iyo dhiggiisa Kenya Gen. Robert Kariuki ayaa wada hadal ku yeeshay Muqdisho.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ciidan ee ka dhaxeeya labada dal.

Kariuki ayaa muujiyay sida dalkiisu uu diyaar ugu yahay in uu door muhiim ah ka qaato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kenya ayaa horay waxaa uga dhacay weeraro lagu hoobtay oo Al-Shabaab ay ku qaadeen oo galaaftay nolosha boqolaal muwaadiniin Kenyan ah.

Kooxda Alshabaab ayaa beegsatay magaalooyinka xuduudka sida Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa iyo sidoo kale Nairobi iyo deegaano ka tirsan gobolka xeebta.

Taliyaha ciidamada XDS, Gen. Odawaa ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto Kenya sugidda ammaanka xuduudaha u dhaxeeya dalalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u  tahay in ay Kenya la wadaagta xogta sirdoonka.