4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Ilyaas Sheekh Axmed oo kusoo baxay doorashada kursiga uu baneeyay Taliye Mahad Salaad
 

Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Dhuusamareeb es xarunta maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 147, kaasoo ka mid ahaa kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kasoo uu baneeyay Taliyaha Hay'adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigaan waxaa kusoo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahin, kadib markii ay tanaasushay Aamino Tahliil Warsame oo aheyd Musharaxii la tartameysay.

Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in natiijada doorashada kursigaan uu ku guuleystay Ilyaas Sheekh Axmed oo helay 86 cod.

Waxaa sidoo kale guddiga ay sheegeen in dhawaan la qaban doono doorashooyin kale oo lagu soo buuxinaayo kuraasta ka banaan Golaha Shacabka si tirada loo gaarsiiyo 275-ta mudane ee u diiwaan gishan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.