7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2023
IMF iyo World bank oo kulan ka yeelanaya tallaabooyinka ugu dambeeya ee dayn cafinta Soomaaliya
 

Jimco, December, 8, 2023 (HOL) - Guddiga sare ee hay’adda ee IMF ayaa kulmi doona 13-ka December si ay uga wada hadlaan deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo horey la qorsheeyay in bishaan December Soomaaliya laga cafiyo deymaha badan ee lagu leeyahay muddada dheer.

Afhayeenka Sanduuqa IMF Julie Kozack ayaa shir jaraa’id ku tiri, Tani waxay u noqon doontaa horumarka soo socda, iyadoo intaas ku dartay in golaha fulinta ee Baanka Adduunka ay maalin ka hor ka kulmi doonaan isla arrintan.

Soomaaliya iyo IMF ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah bishii Nofeembar, iyagoo ku heshiiyay in muddo 36 bilood ah dalka laga taageero sidii kor loogusoo qaadi lahaa kaydka dhaqaale ee dalka, waxaana heshiiskaas ku jira $100 milyan oo IMF ku bixinayso sidii loo gaari lahaa yoolkaas.

Dhaqaalahan ayaa qeyb ka ahaa dib u eegis lagu sameeyay siyaasadaha dhaqaalaha, maaliyadda, bulshada illaa siddeed waddan oo Afrikaan ah iyada oo ujeedadu tahay in ay furto boorsadeeda maalgelinta, si ay u xoojiyaan kaydkooda daciifka ah iyo bixinta taageero miisaaniyadeed.

Dhamaystirka dib u eegista ayaa keentay in ka badan $1bilyan oo doollarka Mareykanka ah lagu maalgeliyo ballan-qaadyada toddobo ka mid ah siddeedda waddan ee ay oggolaadeen guddiga fulinta ee IMF.

Waddamada la maalgaliyay waxay kala ahaayeen: Soomaali ($100 milyan), Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ($200.39 milyan), Rwanda ($262 milyan), Tanzania ($150 milyan) Gambia ($10.9 milyan), Comoros ($4.7 milyan) iyo Senegal ($276 milyan).