7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyaysay shil diyaaaradeed oo ka dhacay dalka Sacuudiga
 

Jimco, December, 8, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Sacuudi Carabiya iyo ehelada dadkii ku dhintay shil diyaaradeed oo ay gashay diyaarad ay lahaayeen ciidamada cirka Sacuudiga.

Wakaaladda wararka Sucuudiga oo soo xiganaysa afhayeenka milatariga Brig. Gen.Turki al-Maliki, ayaa sheegay in shilkan uu dhacay xilli tababar uu ka socday saldhiga ciidamada cirka ee King Abdulaziz ee magaalada Dhahran ee bariga boqortooyada.

Laba ka mid ah shaqaalihii diyaaraddaas ayaa ku geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Al-Maaliki oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddi baaris ah ay billaabeen baaritaanno ku aadan sababaha keenay shilka, waxaana uu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen shaqaalihii diyaaraddaas.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay haysataa daraasiin diyaaradeed F-15SA, oo ah nooc ka mid ah diyaaradda dagaalka ee McDonnell Douglas.

Horaantii sanadkan, shil kale ayaa ka dhacay meel u dhow saldhiga ciidamada cirka ee King Khalid ee magaalada Khamis Mushait, waxaana ku dhintay labadii duuliye ee la socday.