7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Jilib
 

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn Xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taasoo la sheegay iney fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn.

Ila wareedyo ku sugan gudaha degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in marqura ay maqleen fiidnimadii hore ee xalay dhawaqa laba jug oo aad u xoogan.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya duqeynta ayaa sheegaya in diyaarada aan duuliyaha laheyn laba gantaal ay la beegsatay guri ku yaala magaalada Jilib oo la sheegay iney ku sugnayeen xubno sar sare oo ka mid ah kooxda Al Shabaab.

Lama oga khaasaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaan xalay ay fulisay diyaarada aan duuliyaha laheyn, hayeshee wararka hoose ee soo baxaya ayaa tilmaamaya iney jirto khasaare duqeyntaasi kasoo gaartay kooxda Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo lagu tuhmayo iney duqeyntan fuliyeen, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay dhankeeda in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay ay gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayida oo midkood ay tahay gabar yar oo 11 sano jir ah.