7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Wasiir Juxa: Mucaaradku waxay ka cago jiideen inay nala fariistaan oo nala hadlaan

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Saciid Faarax Juxa, oo guddoomiye u ah guddi uu madaxweyne Deni u magacaabay inay wada xaajood la yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aanay waxba ka suurto galin wada hadalada labada dhinac.

Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradku inay ka cago jiideen inay la fariistaan guddiga todobada xubnood ah ee uu isagu hoggaamiyo. wuxuu sheegay in aanay u muuqaan inay diyaar u yihiin wada xaajoodka.

“Waan u tagnay, waan la hadalnay, waan xiriirnay, halkaas ayay kusoo ururtay inay ka gaabsadaan inay nala xaajoodaan,” ayuu yiri wasii Juxa oo rajo xumo ka muujiyay inay mucaaradku oggolaadaan in la wada hadlo.

Wuxuuse sheegay inay jirto fursad weli lagu wada hadli karo, wuxuuna ugu baaqay kooxaha mucaaradka inay miiska wada hadalka yimaadaan, oo ay diyaar u noqdaan in laga wada xaajooda arrimaha ay diidan yihiin.

Hadalka wasiir Juxa ayaa yimid, iyadoo mucaaradku ay sheegeen inay fursad siinayaan ama sugayaan, go’aanada kasoo baxa guddiga isimada SSC- Khaatumo oo ku howlan inay soo saaraan, xal ay u arkaan inay looga gudbi karo khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.