7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Qaramada Midoobay oo sheegtay inay 110 qof ku geeriyoodeen fatahaadaha Soomaaliya
 

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UN OCHA), ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ku dhintay fatahaadaha  Soomaaliya ay kor u dhaaftay 110.

Hay’adda OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay sheegtay inay in ka badan hal milyan oo qof ku barokaceen fatahaadada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay, kiisas looga shakisan yahay cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka in laga soo sheegayo degaanada dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Hay’addu waxay ku nuuxnuuxsatay in ilaa hadda, kaliya 30% kamid ah dadka ay dhibaatadu saameysey ay heleen gargaar.

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa Soomaaliya ka da’ay roobab mahiigaan ah oo aan horay loo arag. Waxaana roobabkaasi ay ka dhashay khasaarooyin naf iyo maalba leh, barakac baahsan iyo burbur baaxad leh.

Daadadkan ayaa loo aaneynayaa ifafaalaha cimilada El Niño, taasoo ka dhalatay kuleylka ka jira badweynta Baasifigga.