7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo maalintii labaad howlgal culus ka wada gobolka Hiiraan
 

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada maalintii labaad deegaano hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaya Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ciidanka difaaca dadweynaha Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka dowladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay ciidamada iskaashanaya iney maanta ugu tageen deegaanadii Shalay duqeynta ka dhacday meydadka xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

"Deegaannadii shalay jabka iyo duqeynta loogu geystay Khawaarijta ayaa saaka loogu tagay meydad cadowgu ka cararay oo ay qaadan waayeen oo yaala waddooyinka, ciidankana waxay wali sii baacsanayaan haraadiga cadowga" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Halgan ayaa daba socda howlgal culus oo Shalay lagu dilay in ka badan 60 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Helo Bacaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.